Wasaarrada ammniga” waa fashilinay weerarkii Cadaado

by admin | Thursday, Jun 18, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaarrada ammniga gudaha oo ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Cadaado ayaa sheegtay in weerarkaas la fashiliyay.

Weerarkan ayaa ku bilowday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxaana xigtay rasaas xoogan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas ay ka hor-tageen Ciidamada AmnMaxamed-Yuusuf-170x114iga, isla markaana laga war hayay gaariga iyo wadada ay doonayeen inay isticmaalaan.

“Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jirto, oo aan aheyn kooxihii dhagar qabayaasha ahaa, ciidamada amniga ayaana ka hortagay, afar ruux ayay ahaayeen mid waa kii gaariga isku qarxiyay, saddexda kalena ciidamada ayaa toogtay”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, mana jirto warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ee weerarkaas saaka lagu qaaday Cadaado ka dhashay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca degmada Cadaado, tan iyo markii uu ka furmay shirka Maamul u sameynta gobollada shexe, iyadoo Cadaado oo xarun u aheyd Maamulka Ximan iyo Xeeb aanay horay uga dhicin qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalooyinka kale ee dalka.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!