Wasaarrada arimaha gudaha oo soo dhaweysay shirka dib-u-hishiisiinta Beledweyne

by admin | Thursday, May 28, 2015

Beledweyne : HN :–Agaasimaha Waaxda Dib-u-hishiisiinta ee Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Fedeeralka Soomaaliya, Daahir Warsame Fiidoow oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay Shir-weynaha dib-u-hishiisiinta iyo aayo ka talinta gobolka Hiiraan ee ka socda Baladweyne.

Agaasimaha ayaa sheegay Afartii casho ee la soo dhaafay kulamo kala duwan uu la Qaatay odayaasha beelaha ka qeyb-galaya kulanka, iyo guddiyo kala duwan oo u xil saaran xalinta khilaafaadka oo dhamaantood isku raacsan ka qeyb-galka shirka.

“Odayaashii iyo waxgaradkii aan la kulmay dhamaantood waxaa ay ii sheegeen in shirku si wanaagsan ku socdo, mudadii uu socdaynashirma-gobolka-hiiraan-14 beellaha qaar is af-garad ka gaareen colaadii u dhaxeysay, ma jirin wax cabasho ah oo ay ii sheegeen odayaasha,” ayuu Daahir Warsame ku yiri hadalka uu jeediyay.

Daahir Warsame ayaa sidoo kale shaacisay inuu kulamo kala duwan la qaatay guddigii loo saaray xal u helida colaada deegaanka Deefoow, isaga oo ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay wax u marayaan.

“Guddiga loo saaray in xal u helidda Colaada Deegaanka Deefoow runtii wax Wanaagsan ayeey ii sheegeen, waxaanan fileynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro colaada labada dhinac,” ayuu yiri Agaasimaha.

Shirka ayaa lagu wadaa in dhawaan la guda-gallo wajigiisa labaad oo ah mid looga doodi doono arrimaha siyaasada iyo mustaqbalka  gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!