Wasaarrada arrimaha dibada DF iyo ururka iskaashiga islaamka oo hishiis kala saxiixday

by admin | Monday, Feb 2, 2015

Muqdisho : HN : –Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka, iyagoo kala saxiixday heshiis ku saabsan in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska Safaaradaha

Wafdiga ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa hogaaminayay Mohamed Yahya Mufarreh oo ah Madaxa Dib u dhiska wadada Islaamka.

Kulan albaabada u xirnaa oo ay qaateen labada dhinac ayaa looga hadlay sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii kordhin lahaabeyle taageerada dowladda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Arrimaha dib u dhiska iyo Maalgalinta.

Madaxa dib u dhiska wadamada islaamka ee ururka iskaashiga islaamka Dr Maxamed Yaxya Mufrex ayaa sheegay in sii hayaha wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ay kala hadleen in mashaariic dhinaca dib u dhiska ah ay ku taageeraan soomaaliya, gaar ahaan dhanka xoojinta maamulka suuban iyo arrimaha dib u dhiska hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sii hayaha wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay ka mid yihiin in ururka Iskaashiga Islaamka uu dib u dhis ku sameeyo safaaradaha soomaaliya ee ku yaala dalalka caalamka, kordhinta tababarrada Diblomaasiyiinta iyo sidii loo heli lahaa hanaan siyaasadeed oo lagu xoojiyo xiriirka Caalamka.

“Maanta waxaan xafiisakeyga ku qaabilay wafdi ka socda Ururka Islaamka oo u qaabilsan dhanka arrimaha dib u dhiska wadamada islaamka oo aan kala saxiixney heshiis aan dib ugu dhiseyno Safaaradaha aan dibada ku leenahay oo in muda ah ay ku muuqtey Dayactir la’aan badan waxeyne noo balan qaaden in mudo gaaban ay ku dhisi doonaan dhamaan Safaaradaha aan Dibada ku leenahay oo dhan hadii alla yiraahdo”ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibada.

Soomaaliya ayaa ka mid ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana ururka uu ka mid yahay dalalka ka taageera Soomaaliya dhinacyada dib u dhiska iyo howlaha mashaariicda.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!