Wasaarrada arrimaha dibada Itoobiya oo walaac ka muujisay ammniga Addis Ababa

by admin | Saturday, Oct 18, 2014

Addis Ababa : HN :–Wasaarrada arimaha dibad Itoobiya ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay lagu sheegay in ammaanka dalka la adkeeyay, isla markaana aysan suurtagal-ahayn weerraro ay ka fuliyaan kooxaha argagaxisda ah balse ka dalbatay muwaadiniinteda inay fiijignaan dheeri ah muujiyaan.

War ka soo yeeray wasaarrada arrimaha dibada Itoobiya waxaa ka horeeyay war todobaadla soo dhaafay ka soo baxay safaaradaAddis_churchill Mareykanka oo soo saartay digniin ku aadan suurtagalnimada ay Al-shabaab ku beegsan karaan goobaha ugu shacbiyadda badan ee Addis Ababa sida Hoteellada iyo meelaha kale ee laga adeegto.

“Waxaan jecelnahay in aan u cadaynno wadamada aan xiriirka wadaagno in aan qaadeynno tallaabo kasta oo looga hortagayo in Al-shabaab ay amniga dhibaateeyaan ,waliba Addis Ababa  oo kaliya maahan ee waa dalka oo dhan,“ ayuu yiri Taye Atske Selassie oo u hadlay wasaarada arimaha dibadda Itoobiya.

Digniinta ka soo baxday safaaradda Maraykanka ayaa si cad u xustay in kooxda Al-shabaab ay si gaar ah u beegsan karaan degmada Boole oo ah halka ay ku nool-yihiin boqolaal Soomaali ah oo dano kala duwan u jooga dalkaas.

Ugu danbaytii Maraykanka ayaa ugu baaqay muwaadiniintiisa inay ka fogaadaan  goobaha qaar ee ku yaalla Addis Ababa,waxaana sii kordhaysa cabsida laga qabo in kooxdaas ay soo qaaddo weerraro argoosi ah, maadaama Itoobiya ay ka tirsan-tahay howl-galka AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!