Wasaarrada arrimaha gudaha oo maamul u magacaawday degmada Mahadaay

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa maanta maamul cusub u magacowday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo maamulkan uu beddeli doona maamulkii horay ay dowladdu ugu madacowday degmadaas.

Wareegto uu ku saxiixnaa wasiirka arrimaha gudaha, C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa lagu sheegay in maamulkan oo ah mid KMG379x253xIMG_2164.jpg.pagespeed.ic.fI7wXUb1Zt ah uu lix bilood ka shaqeyn doono degmada Mahadaay.

Haddaba maamulka loo magacaabay degmada Mahadaay ayaa waxay kala yihiin;

  1. Guddoomiye degmada Mahadaay, Axmed Xuseen Afrax
    2. Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga, Cabdulle Xuseen Maxamuud
    3. Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Maxamuud Bashiir Qaasim
    4. Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada, Saalax Fuliil Maxamuud
    5. Guddoomiye ku xigeenka A. Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Ciiley Warsame Faarax
    6. Xoghayaha dowladda hoose ee Degmada Mahadaay, Cali Cabdi Aadan.

Maamulkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay magacaawday wasaarrada arrimaha gudaha iyo tan iyo markii la soo dhisay xukuumada uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!