Wasaarrada arrimaha gudaha oo soo saartay jadwalka uu ku soconayo shirka Cadaado

by admin | Monday, Jun 22, 2015

Cadaado : HN :–Wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka  iyo dhameystirka maamulka dhismaha maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug iyo doorashooyinka mas’uuliyiinta maamul-goboleedka loo Sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Max’ed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamada, Odawaa_Wasiirka_Arrimaha_Gudaha_SomaliaMaamulka Ximan iyo Xeeb iyo Saaxiibadda Caalamka ee sida hufan uga qayb-qaatay dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in muddo laba todobaad gudahood ah la qaban-doono doorashooyinka guddoonka baarlmaanka, madaxweynaha iyo ku-xigeennadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in berri ah la dhaarin doono inta badan xildhibaannada loo soo xulay Baarlamaanka Maamulka Cusub ee Galmudug, kaddibna waxaa la guda-geli doonaa sidii ay u soo dooran lahaayeen mas’uuliyiinta maamulkan cusub.

21/6/2015 Sameynta Kaararka Aqoonsiga Xildhibaannada
22/6/2015 – Xafladda Dhaarinta Xildhibanadda, Magacaabista Shir-guddoon KMG
24/6/2015 Sameynta Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka
27/6/2015 Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka Maamulka
29/6/2015Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa
30/6/2015 Qabashadda Liiska Murashaxiinta Madaxweynenimo
02/7/2015 Dhageysiga Qudbooyinka Musharraxiinta Tartamaya
04/7/2015Doorashadda Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa
Jadwalka ayaa imanaya xili guddiga farsamada maamulka shirka ay soo saareen magacyada ilaa 60 xildhibaan oo ka mid noqonaya baarlamaanka maamulka cusub.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!