Wasaarrada warfaafinta oo saartay warbixinta todbaadka ee waxqabadka dowladda

by admin | Saturday, Oct 25, 2014

Muqdisho :HN :– Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow ayaa ka warbixiyey waxqabadka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Booqashadii Madaxweynaha ku tagey Ceelbuur iyo Beledweyn, Shirka Maalgashiga Soomaaliya ee London lagu qabtay, Deeq Raashin ah oo la gaarsiiey Shabeelaha Dhexe, Wacyigelinta Wax soosaarka Kheyraadka Badda, Horumarka Waxbarashad Dalka iyo Horumarka Qorshaha Xasilinta Dalka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku bilaabay booqashadii Madaxweynaha uu ku tagey Ceelbuur iyo Beledweyn: “23kii Oktoober 2014 ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo aan ka mid ahaa ayaan gaarney degmada Ceelbuur oo ka mid ah goobihii laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab. Booqashadan ayuu Madaxweynahu ugu kuurgalayey xaalada guud ee degmada iyo sidii ay dowladda Federaalka ay halkaas uga fulin laheyd adeegyada bulshada, tanoo qey ka ah qorshaha Xasilinta Dalka iyo kan isku xirka deegaanda iyo Dowladda Federaalka. Ceelbuur ayaa ah goob ay kooxaha nabad diidka ah muddo gacanta ku hayeen oo ay bulshada deegaanka ka hor istaageen wax horumar ah. Madaxweynaha ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida madax dhaqameedka oo uu halkaas uga dhageystey warbixin la xiriirta xaaladooda. Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka ay degmada ka fulineyso adeegyada bulshada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale gaaray Beledweyn oo halkaas si diiran loogu soo dhoweeyey isla markaasna kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Ujeedada socdaalka ayaa aheyd sidii loo dardargelin lahaa qorshaha Xasilinta Dalka, iyo sidii dadka deegaanka ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen dadaalada wadatashiyada looga dan leeyahay in dadka deegaanka ay aayahooda ka tashadaan.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Shirka Maalgashiga Soomaaliya ee lagu qabtay London ayaa yiri “20kii iyo 21kii Oktoober ayaaOLYMPUS DIGITAL CAMERA London waxaa lagu qabtay Shirka Maalgashiga Waddamada Afrika iyo Shirka gaarka ah ee Soomaaliya, iyadoo ujeedadu ay aheyd sidii waddamada caalamka looga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya ay maanta cagaheeda isku taagtay oo ay tahay wakhtigii la maalgashan lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay sida Shidaalka iyo Saliidda. Soomaaliya waxaa u matalayey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. Shirkan ayaa waxaa shir-guddoominayey Madaxweynihii hore ee Naigeria Olusogun Obasango. Waxaana furay Willam Hague, Hoggaamiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka UK oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto fursad aad u weyn oo u baahan in lagala shaqeeyo sidii kheyraadka dalkaas loo soo saari lahaa oo shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahaayeen. Shirkan ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgalay ganacsato waaweyn oo daneyneysa inay maalgeshtaan Soomaaliya. Robert Sheppard, oo ka tirsan madaxda Soma Oil & Gas, oo shirkaan qabanqaabisay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hannaanka looga faa’iideysanayo shidaalka iyo saliidda ku jirta waddanka, wuxuuna tilmamaay in wada shaqeyntaasi sii socoon doonto si loogu guuleysto.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Deeq raashin ah oo la gaarsiiyey Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa yiri “21kii Oktoober Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay laba kun iyo shan boqol oo qoys oo barakacayaal ah kuwaas oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Jowhar. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa raashinkan oo ka koobnaa bur iyo sokor u qeybiyay barakacayaasha. Waxaa deeqdaan bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo sii marsiiysay maamulka gobolka. Qoysaskaan deeqda la siiyay ayaa u mahad celiyay dowladda, ayagoo codsaday in laga warqabo xaaladdooda, maadaama la galayo xilli roobaad lagana cabsi qabo in wabigu uu sameeyo fatahaado. Dadka loo qeybiyay deeqdaan ayaa isugu jira dadka ay saameeyeen abaarihii ka dhacay gobolka, kuwa ka soo cararay fatahaado uu sameeyay wabiga Shabelle iyo qoysas ka soo barakacay tuulooyin dhawaan ay ka dhaceen dagaal beeleedyo. Qorshaha Dowladda ayaa ah in Gar-gaarka Bani’aadanimo la gaarsiiyo goobaha ay abaarahu saameeyeen si dadka deegaanka loogu dhiiri geliyo tacbashada kheyraadka dalka sida beeraha iyo xoolaha.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey wacyigelinta wax-soo-saarka kheyraadka Badda ayaa yiri “22kii Oktoober 2014 ayaa Wasaarada Kheyraadka Badda ay hirgelisay aqoon-is-weydaarsi lagu baranayey sida ugu wanaagsan ee loo samayn karo guddi maamula kheyraadka badda Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin maamulada ka jira dalka, kaasi oo hoos imanaya Wasaarada Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda. Hay’ada FAO ee Cuntada Adduunka iyo safaarada Talyaaniga ayaa fududeeyey aqoon is weydaarsigan. Aqoon isweydaarsiga oo mudo labo cisho ah ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro iyo mas’uuliyiin ka socota maamulada ka jira Dalka. Arrimaha diiradda la saaray ayaa waxaa ka mid ah ka hortagidda Kalluumeysiga sharci darada ah. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamuud Colow Barrow oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in aqoon isweydaarsigan ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo dadka Soomaaliyeed ku dhiirgelinaayo in ay ka faa’ideystaan kheyraadka ku jira badooda isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa Wasaarada Kalluumeysiga iyo maamul Goboleedyada Dalka.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Waxbarashada Dalka ayaa yiri “22kii Oktoober 2014 ayaa Jaamacadda SIMAD waxey shahaaddada heerka labaad ee jaamacadda (Master Degree) guddoonsiisay 29 arday oo ka qalin jabisay xarunta daraasaadka sare ee jaamacadda SIMAD oo kaashanaysa jaamacadda Open University ee Malaysia (OUM). Ardayda Soomaaliyeed waxey maanta helayaan fursad waxbarasho tayo leh oo heerka Master-ka ah inay dalka gudihiisa ku bartaan. SIMAD ayaa sheegtay in ardeyga gobllada dalka oo dhan ay fursadan heli karaan. Dufcada ka qalin jabisay sanadkaan jaamacadda OUM ee kala jooga dalal badan oo caalamka ah waxaa kaalinta 1aad u galay Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax oo ka mid ah 29ka dhameysatay waxbarashadan heerka sare ah. Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in jaamacadda SIMAD ay waqti ku bixiso sidii loo soo saari lahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo xirfad leh, ayadoo sanad kasta waxbarasho u dirta arday iyo macallimiin. Sababta ayuu ku sheegay in jaamacaddu ay tahay Waqaf oo aysan faa’iido doon ahayn, dhaqaalaha laga helo ardaydana lagu maalgeliyo horumarinta jaamacadda si ay bulshada ugu qabato adeeg waxtar leh. Sanadkii 2012-kii ayaa la bilaabay mashruucaan ay iska kaashanayaan jaamacadaha SIMAD iyo OUM oo lagu baranayo takhasusaad master-ka ah oo ay kamid yihiin maamulka, ganacisga, mashaariicda, technologiyada iyo kuwa kale.”

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey horumarka Qorshaha Xasilinta Dalka ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey si xowli ah u wadaa qorshaha Xasilinta Dalka oo gobollada dalka si habsami ah ugu socda, iyadoo ujeedadu ay tahay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa jawi xasiloon oo ay aayahooda uga tashadaan. 22kii Oktoober ayaa Guddiga Amniga ay kulan aan caadi aheyn yeesheen ayaa waxaa laga soo saaray Go’aanno lagu dardar galinayo howlgallada Amni sugidda ah ee ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo kaashanaya AMISOM oo ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee laga sifeeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee Al-Qaacidda. Go’aannada shirka ka soo baxay waxaa kamid ah, In Ciidamada Amaanka ay si wada jir ah Guriguri u baaraan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, Garaashyada,iyo Bartilmaameedyo kale oo lagu tuhmayo in lagu Abaabulo falal dambiyeedyo mararka qaar ka dhaca magaalada muqdisho. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday Fikrado iyo Af-kaar muhiim ah oo la xiriirta habka howlgalkan uu u dhacayo, waxaa sidoo kale lagu muujiyay kulanka sida ugu wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadan karaan howlgalkan lagu sugayo Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Gobalada kale ee dalka. Dowladda ayaa sheegtey inay la wareegi doonto Gurigii Ama Garaashkii lagu Qabto Ama Lagu Fashiliyo Wax Ammaanka Dalka Lid Ku ah. Guddiga Amniga ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo yareeyo qaraxyada ay fuliyaan kooxaha nabad-diidka ah ee Al-Shabaab oo caadeystey inay shacabka dhexdiisa ka fuliyaan qaraxyo ismiidaamin ah. “

 

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!