Wasaarrada waxbarashada oo rajo ka qabtay manhaj iyo imtixaan mideysan

by admin | Thursday, Jun 4, 2015

Muqdisho : HN :–Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu guuleysan doono Imtixaanka mideysan ee dowladda qorsheyneyso in ay ka qaado ardayda Soomaaliyeed

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaamud Cali Xasan ayaa sheegayastaanta-qaranka in heer wanaagsan uu marayo qaadista Imtixaanka Dowladda Ay qorsheyneyso in ay ka qaado ardayda Soomaaliyeed eee wax ka barta gudaha dalka.

Wasiir Ku xigeenka ayaa waxa uu xusay in imtixaankani muhiimad gaar ah uu ugu fadhiyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ardayda in imtixaan qaran la qaado islamarkaana lagu qiimeeyo ardayga imtixaanka la galayo.

dhinaca kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarshada m udane Xaamud Cali Xasan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxa uu digniin u diray mas’uuliyiinta daladaha ee dayaacayadaha ka fidinaya dowladda waxaana uu u soo jeediyay in ay wasaarada kala shaqeeyaan qabsoomida imtixaanka oo 13 bishaan loo madalsan yahay in la qabto.

Hiiraan  Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!