Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo booqatay ciidammada Kenya ee ku sugan Soomaaliya

by admin | Tuesday, Jan 13, 2015

Muqdisho : HN :–Amiino Max’ed Jabriil wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenyal oo ka mid ahayd wasiirradii IGAD ee shirka kaga qaybgalay Muqdisho ayaa booqasho ugu tagtay ciidammo ka tirsan kuwa Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Wasiirrada ayaa warbixin  kooban ka dhageysatay saraakiishii iyo ciidankii ay ku booqatay Muqdisho Sabtidii lasoo dhaafay, iyadoo xustay in booqashada ay ciidamada ugu tagtay ku sheegtay mid ay niyadda ugu dhisaysay.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii ku sugnaa Somalia, iyagoo dagaallo culus la galay xoogagga Al-shabaab20151136355672055170198955, waxaana ciidamada Kenya ay la howlgalaan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Shirkii wasiirrada arrimaha dibadda IGAD ay ku yeesheen Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya ku yeeshaan wixii ka dambeeyay sannadkii 1985-kii.

Isku-dayo hore oo lagu doonayay in shirka IGAD lagu qabto Muqdisho ayaa waxaa ku yimid dib u dhacyo, kaddib markii ay Al-shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiirradii arrimaha dibadda ee IGAD oo shirka ku yeeshay Muqisho ayaa waxaa ka mid ahaa, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Kenya, Uganda, Koonfurta Suudaan, Jabuuti, Kenya, Soomaaliya iyo Suudaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!