Wasiir Beylle” awood iyo kartiba waan u leenahay qabashada shirka IGAD

by admin | Friday, Jan 9, 2015

Muqdisho : HN :–C/raxmaan Ducalle Beylle, sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegy in uu maalinta beri ah uu si rasmi ah u furmi doono shirka wasiirro-arrimo dibadeedka urur gobolleedka IGAD.

Wasiirrka ayaa sheegay in tani ay calaamad u tahay in dhibaatooyinkii amni darada ee ka jiray Soomaaliya inuu soo gaba gaboobo, isla markaana haatan la isku aamino in Soomaaliya la tagi karo, maadaama horay loo aaminsanaa inay amnigeeda uu khatar ahaa.

“Waxaa isku dayeynaa dadaalkeedana ugu jirnaa in shirkaas uu qabsoomo, shaki kuma jirto inaan kartideeda leenahay in shirkaas iyo mid ka sii weyn inaan Muqdisho ku qabano”ayuu yiri Dr Beyle oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo dheer aan Soomaaliya lagu qaban shir caalami ah, isagoo xusay inay ugu dambeysay sanadkii 1985 oo shir IGAD ah lagu qabto Muqdisho iyo shirkii ugu weynaa ee Midowga Afrika oo sanadkii 1974 la qabtay.

“Wax baqdin ah igama heyso in shirkan hirgeli doono, waxaase rajeyneynaa in natiijooyin fiican ka soo baxo, isla markaanaBeyle-280x175 ay galabta soo dhameystirmaan xubnaha kale ee Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in rajadoodu tahay in ilaa galabta ay soo dhameystirmaan wasiirada Arrimaha Dibada dalalka IGAD, si maalinta berri uga furmo magaalada Muqdisho shirkii 53aad ee aan caadiga aheyn.

Waxaa uu sheegay in shirkii Addis Ababa ee IGAD lagu qabtay lagu soo hadal qaaday in Soomaaliya lagu qabto, taasoo uu xusay inay u cadeeyeen in shirkan lagu qabto, isla markaana go’aan lagu gaaray shirkaas mid xigay in Muqdisho lagu qabto.

Shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa maalinta berri ka furmi doona Hotel ku dhow Xarunta Madaxtooyada oo lagu magacaabo SYL, kaasoo dhowaan dib loo dayactiray, isla markaana si rasmi ah Hotelkaas berri uu u furmi doono

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, qeybaha wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada ayaa maalintii labaad xiran, iyadoo aanay wax gaadiid ah isticmaaleyn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!