Wasiir Beylle” khilaafka hadda jira waxaa uu dib u dhigi karaa howlaha laga sugayo dowlada

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Dubai :HN :– Wasiirka wasaarrada arrimaha dibada iyo  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda uu caqabad ku noqon karo dowladnimada iyo horumarka la gaaro.

Wasiirka oo ku sugan  sugan imaaraadka carabta ayaa warbaahinta u sheegay in khilaafka jira uu dhib ku keeni karo horumarka dowladda.

“Khilaafka iyo is jiid jiidka madaxda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii dowladda u qabsoomay, xalka hada waxaa ku jira beeshabeyle Caalamka, waana la soo afjari doonaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la doonayo in sanadka 2016 dalka ka dhacdo doorasho, waxaana uu xusay in hadii uu sii socdo is jiid jiidka siyaasadeed ay suura gal tahay in la gaari waayo sida uu yiri.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf ka dhashay isku shaandheyntii uu ra’iisul wasaaraha sameeyay Sabtidii, iyadoo Madaxweynaha uu ka soo horjeestay, waxaana la ogeyn ilaa iyo hada halka uu ku dambeyn doono khilaafkaas.

Hiiraan Net,.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!