Wasiir Beylle” Rajo wanaagsan ayaa ii muuqata marka la eego sidda ay hadda wax u socdaan

by admin | Thursday, Oct 2, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sanadka 2016-ka la rajeynayo in Soomaaliya ay gaarto meel ka wanaagsan meesha ay hadda joogto.

Wasiirrka ayaa tilamaamay in ay muuqato rajo wanaagsan oo dhinaca nabadda iyo horumarka ah, isagoo u jeediyay dhammaan Soomaaliddubad-029a inay ka shaqeeyaan midnimada, si loo gaaro nabadda iyo horumarka la tiigsanayo.

Beyle ayaa hadalkan shalay ka sheegay magaalada Muqdisho oo uu dib ugu laabtay, kaddib shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee uu ku wehliyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ay ugu qeyb galeen  magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa xusay in dalka Mareykanka uu ugu qeybgalay shirar gooni gooni ah oo looga hadlayay abaaraha iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee weli ka taagan qeybo ka tirsan dalka.

Ugu danbeyntii C/raxmaan Ducaalle Beylle ayaa sheegay in caalamku u soo jeedo Soomaliya, loogana baahan yahay bulshada Soomaaliyeed iyo dowladdaba in ay ka faa’ideystaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!