Wasiir Bixi” arrinta gooni isku taaga Soomaaliland waa leysla gartay

by admin | Monday, Dec 22, 2014

Hargeysa : HN :–Waxaa dib ugu laabtay magaalada Hargeysa wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka  Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) iyaga oo ka warbixiyay shirkii ay Jabuuti kula yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, iyagoo sheegay in shirkii Jabuuti ka dhacay ay muhiimaddiisu ahayd sidii looga wada-hadli lahaa gooni-isu-taagga Somaliland iyo aayaheeda.

Axmed Siilaanyo oo markii ay ka dageen garoonka Hargeysa la hadlay war-baahinta ayaa ku sifeeyay shirkii Jabuuti ee uu la yeeshay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh inuu ahaa mid looga hadlay qadiyadda Somaliland iyo qodobbo kale ayna isku afgarteen wixii ay ka hadleen oo dhan.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafada la hadlay isagana ayaa sheegay in shirkiiWasiirka-Arrimaha-Dibedda-Somaliland1 Jabuuti uu ahaa mid looga wada-hadlay gooni-isu-taagga Somaliland oo uu ku sifeeyay mid aanay dib uga laabanayn.

“Madaxweynuhu sida uu idiin sheegay waxaan magaalada Jabuuti kulan kula yeelannay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, waxaana looga hadlay sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadalladii inoo socday ee hakadka galay iyo danaha kale ee inaga dhexeeya. Waxyaabihii kale ee looga hadlay shirkaas waxaa ka mid ah; sidii looga hadli lahaa loogu dhiirran lahaa aayaha Somaliland iyo shacabkeeda, labada madaxweynana waxay isla garteen sidii loogu calool-adeygi lahaa oo aan laga joogsan, waayo masiirka Somaliland waa mid ay goosteen shacabkeedu Somaliland, taas ayaana ahayd arrinta muhiimka ah ee shirka looga hadlay,” ayuu Biixi.

Wasiirka ayaa xusay in qodobbadii kale ee ay ka hadleen labada mas’uul ka hadleen ay ka mid ahaayeen in maadaama ay mar walba wada-hadlayaa ay dowladda Jabuuti markhaati ka noqoto waxyaabaha ay kulammadooda uga wada-hadlayaan.

“Arrimaha kale ee aan isla garannay Somalia waxaa ka mid ah; in wixii horay loogu wada-heshiiyay sida hawada oo dhowr jeer oo hore ay dowladda Somalia ka laalaabatay in sidii ay ahayd ee lagu heshiiyay loo dhaqan-geliyo,” ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo xusay in dhanka kale deeqaha caalamiga ah aan la siyaasadeyn, loona ogolaado Somaliland inay dib u dhiskeeda iyo arrimaheeda gargaarka loo madax-banneeyo.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa xusay inay ka shaqeyn doonaan raadinta gooni-isku-taagga Somaliland; waqti kalena aanan lumin, ayna ahayd taasi middii ugu weynayd ee shirka lagu soo qaaday la iskuna af-gartay.

Hadalka mas’uuliyiinta Somaliland ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho uu sheegay inuu rajeynayo in midnimada Soomaaliya ay soo laaban doonto sannadka soo socoda ee 2015-ka. iyadoo tani ay u muuqato in Somaliland iyo Somalia ay weli aad u kala fog yihiin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!