Wasiir Dhuxuloow” hay’adda caalamka ee gargaarka bixiya waa in ay mudnaan siiyaan Soomaaliya

by admin | Monday, Dec 15, 2014

Kuwait : HN :– Wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumada kalsooida lagala noqday Mustafe Sheekh Cali Dhuxuloow oo gaaray habeenimadii xalay dalka Kuwait  ayaa halkaa uga qeyb-gallay shir caalami ah oo looga hadllayay doorka hay’addaha gargaarka.

Wasiirka ayaa waxaa gegida diyaaradaha ee Kuwait ku soo dhoweeyey La-Taliyaha Sare ee Amiirka Kuwait Dr Abdalla Matouq Al Matouq iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kuwait Safiir Abdulkadir Amin Sheikh.

Wasiirka oo Isniinta 15ka December 2014 ka qeybgalaya Shirka Caalamka ee Doorka Hay’adaha Gargaarka ayaa yiri “Hay’adaha Gar-gaarkaDhuxkuait Caalamka waa inay Soomaaliya Mudnaan weyn siiyaan.” Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa ugu waaweyn sidii hay’adaha gar-gaarka caalamka ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii gar-gaarka uu u noqon lahaa mid bedela nolosha bani’aadamka, si aysan u soo noqnoqon arrimaha abaaraha joogtada ah.

Arrimaha kale ee diirada lagu saarayo shirka ayaa ah doorka dumarka looga qeybgalinayo mashaariicda gar-gaarka bacdamaa ay hooyooyinka muhiim u yihiin isku xirka bulshada.

Wasiirka ayaa yiri “Soomaaliya waxey tusaale u noqon kartaa caalamka bacdamaa dumarka ay kaalin weyn ka qaataan ganacsiga Soomaaliya, iyo hay’adaha gar-gaarka. Waxaan hubaa haddii dumarka Soomaaliyeed fursad la siiyo inay door weyn ka qaadan karaan sidii dumarka caalamka loogu dhiiri gelin lahaa inay door wanaagsan ka qaataan horumarka bulshada.”

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!