Wasiir Dhuxuloow oo la kulmay dhigiisa dalka Kuwait

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Kuwait : HN :– Mustafe Dhuxuloow sii hayaha wasiirrka wasaarrada warfaafinta  Soomaaliya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Kuwaito, Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al-Sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ay xiriir joogta ah wada yeelan lahaayeen.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow ayaa warbixin kooban ka siiyay dhigiisa Kuwait xaalada dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo qorshaha hiigsiga 2016-ka.

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay soo dhoweynta quruxda badan ee Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoudunnamed-12 Al Sabah, waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ay wada shaqeyn joogta ah u wada yeelan lahaayeen”ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay sida Wasiirka Warfaafinta Kuwait uu u aqbalay dhamaan qorshayaashii uu hor dhigana, isla markaana uu ballanqaaday in wadashaqeynta iyo taageerada Kuwait ay si deg-deg ah u bilaaban doonto.

“Kuwait waa waddan ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo naga dhaxeyso, waxaana uga mahadceliyey sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ay u soo dhoweeyaan una taageeraan, waxaana kula dardaarmay inay sii wadaan taageeradooda Jaaliyadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha gar-gaarka iyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxaan isla garanay inay si deg-deg ah nooga taageeraan dhanka kobcinta tayada shaqaalaha oo ay tababaro joogta ah na siiyaan, inaan is weydaarsano aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha labada wasaaradood, iney naga taageeraan horumarinta SNTV iyo Radio Mogadishu iyo sidii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay uga taageeri lahaayeen horumarka warbaahinta Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada”.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa safaro shaqo ku marayay dalalka Khaliijka, waxaana uu dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabta uu kaga qeyb galay shirar uu ku matalayay magaca Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!