Wasiir Faarax C/qaadir oo booqasho ku jooga dalka Turkiga

by admin | Wednesday, Jan 7, 2015

Turkiga : HN :– Sii hayaha xilka wasiirrka wasaarrada garsoorka iyo cadaallada dowladda Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo booqasho ku jooga dalka Turkiga, ayaa halkaa kulamo kula yeellanaya madaxda dowladda Turkiga oo ay ka wadda hadllayaan xoojinta garsoorka Soomaaliya.

Faarax Sheekh C/qaadir waxaa safarkiisa dalka Turkiga ku wehlinaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ninka laguFaaraxsheekhturk magacaabo Axmed Cali Daahir, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Turkiga, saraakiisha waaxyaha kala duwan ee garsoorka iyo cadaallada Turkiga.

Wafdigan ayaa kala hadlaya xukuumadda dalka Turkiga xiriirka labada wasaaradood iyo in wasaaradda cadaaladda dalka Turkigu ay gacan ka geysato sidii loo xoojin lahaa dhismaha laamaha garsoorka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa dhankeeda xustay inay ka qaybqaadanayso sidii dib loogu dhisi lahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin dayactirida xarumaha dowladda, wadooyinka iyo bixinta deeqo waxbarasho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!