Wasiir Goodax” dhaqangal ayuu noqonayaa hishiiska DF iyo maamulka Jubba

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegy in dowladda federaalka dhinaceeda ka go’an tahay dhaqan-galinta hishiiska is afgarad oo ay la gaareen mamulka Jubba.

Goodax waxuu tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid wanaagsan oo danta Ummada Soomaaliyeed ay ku jiraan gaar ahaan dadka daga gobollada Jubbooyinka.

Waxa uu sidoo kale,sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba la isku dhafi doono si loo tayeeyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isaguna sheegay in midaynta ciidammadu aygodax muujinayso wadashaqaynta dowladda dhexe iyo maamulka Jubba.

Wuxuu u mahad celiyey mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba oo uu tilmaamay inay wada shaqayn buuxda u muujiyeen dowladda.

Madaxweynaha maamulka Jubba,, Axmed Maxamed Islaan ayaa dhankiisa sheegay qaramaynta ciidammada maamulka inay dardar galinayso dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta ee ka socda dalka.

Is-afgaradka ayaa yimid markii kulan looga arrinsaday qaramaynta ciidammada maamulka Jubba ay shalay Kismaayo ku yeesheen wasiirro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!