Wasiir Goodax” khilaafka madaxda sare shaqada dowladda wax saameyn ah kuma yeellan

by admin | Thursday, Nov 20, 2014

Copenhagen : HN :– Wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah ka qeyb-gallaayaasha shirka caalamiga ah ee ka soconaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, ayaa sheegay in caalamka aan looga baahneyn in ay mar marsiiyo ka dhigtaan khilaafka madaxda sare ee dowladda, isaga oo sheegay in khilaafkaas uusan wax saameyn ah ku yeellan shaqadii dowladda.

“Anaga eedeyn ayaa nala soo jeediyay oo dhinaca siyaasada ee khilaafka ah, taasna nin lacag bixin waayay ayaa ku xuubsiibanaya,godax khilaafka shaqo ma joojin siyaabihii horay u joojiyay oo kale ma aheyn, shaqada xukuumada waa socotaa, in la is khilaafo waxay ka mid tahay dal bur buray sida uu u soo kabsanayo, aduuntada inay gartaan ayaa la rabaa waa la kala fikir duwanaan karaa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre.

Waxaa uu sheegay wasiirka mar la weydiiyay tallo soo jeedintii aheyd in uu is casilo ra’iisal wasaaraha in loo arki karo in ay dhinac la safteen, ayuu yiri”“Runtii anaga ka wasiir ahaan waxaa tallo ku bixinayo mar hadii Madaxweynaha kalsoonidiisa uu lumiyay Ra’iisul Wasaaraha oo xildhibaano mooshin ka geeyeen waxaa cad macno dowlad usii dhisnaato in aysan jirin dhibaato iyo culeys mooyee”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, isaga oo sheegay in gabagabada kulanka wax wanaagsan ka rajeynayaan oo muhiim ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.



Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!