Wasiir Goodax”fatahaada wabiga Shabeelle waa mid ka tan weyn siddii la fillayay

by admin | Wednesday, Nov 5, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in fatahaada uu wabiga shabeelle ka sameynayo gobollada dalka qaarkood in ay tahay mid aad ugu tan weyn sidii hore, isagoo xusay in saddex gobol uu webigu fatahaado kala duwan ka geystay.

“Marxaladu sidii hore way ka duwan tahay,dowladdu waxay ka war-haysaa dhammaan marxaladaha uu webiga ku sugan yahay iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la caawiyo dadka ay abaarta iyo daadadku saam-eeyeen,” ayuu yiri wasiir Goodax.

Dowladda ayaa dhankeeda wadda dadaal ay ku doonayso sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha, si aysan fatahaaduhu u kala xirinGoodax gobollada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre waxuu caddeeyay dowladda Soomaaliya inaysan awood u lahayd inay hesho dhaqaale looga hortago fataahada, balse ay caalamka la kaashanayso sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha.

Isagoo ka hadlay gobollada uu sida weyn ugu fatahay wabiga waxuu ku sheegay, Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, isagoo caalamka weydiistay sidii dowladda gacan loogu siin lahaa wax ka qabashada fatahaadahan.

Magaalada Baladweyn oo xarun u ah gobolka Hiiraan ayaa xaafaddo badan oo ku yaalla waxaa looga qaxay fatahaadaha webiga Shabeelle uu ku sameeyay, sidoo kalena wuxuu fatahaado ku sameeyay webigu degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!