Wasiir ka tirsan Puntland oo is casilay

by wadani | Tuesday, Jan 10, 2017

Garoowe : HN :-Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf  Faarax (Dujaana), oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley xilkii uu wasaaradda ka hayey.

Wasiir Dujaana ayaa sheegay in iscasilaaddiisu ay salka ku hayso cadaadis kaga yimid qoyskiisa oo saluugmo ka muujiyey hab qaybsigii xildhibaanada aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha  Puntland oo uu sheegay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen islamarkaana uu xushmad ugu hayo.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah