Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada” waa sharci darro hishiiskii Garoowe

by admin | Wednesday, Oct 15, 2014

Muqdisho : HN :-Ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya Mahad Salaad ayaa sharci darro ku tilmaamay hishiiskii maalintii shalay lagu gaaray magaalada Garoowe.

“Qodobka 49aad ee dastuurka faqradiisa koowaad iyo shanaad ayaa ka hadlayo dowlad goboleedyada, cida awood u leh iyo xuduudaha ay yeelan karaan, faqrada shanaad waxay ka hadlee Soomaaliya inay ka kooban tahay 18 gobol hadii saddex la isku darayo iyo hadii labo la isku darayo in 18 gobol lagu saleynayo wax la yiraahdo gobol iyo bar ma jirto”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibada oo hogaaminaya wafdi ku sugan Gobolka Galgaduud.

Wasiirrka ayaa intaa ku darray in aanay jirin meel ay ku qoran tahay in Gobol iyo bar maamul loo sameeyo, waxaana uu tilmaamay inmahad-salaad3 arrintaas ay aad uga soo horjeedaan sida uu yiri.

Mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay ayaa dhigayay in Koofurta Mudug la raacsiiyo Galgaduud, halka waqooyiga Puntland loo daayo Puntland, waxaana Puntland ay qodobkaas ay aad uga dheganeyd in aanay ka tanaasulin, taasoo ugu dambeyn keentay in la isku afgarto.

Inkastoo qaabkii uu u dhacay heshiiskii shalay lagu gaaray Garowe uu ahaa sidii labo dowladood oo kale, sida ka muuqata war murtiyeedka labada dhinac ku heshiiyeen iyo calaamadaha ku qornaa.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!