Wasiir ku-xigeenka warfaafinta oo sheegay in shaqsi loo qabtay dilkii wariye Hindiya Xaaji Max’ed

by wadani | Sunday, Dec 20, 2015

Muqdisho : HN :–C/llaahi Colaad Rooble oo ah wasiir ku-xigeenka wasaarrada warfaafinta  Soomaaliya ayaa sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay gacanta ku hayana ninkii ka dambeeyay dilkii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta dowladda.

C/llaahi Colaad ayaa intaa ku daray in shaqsiga la qabtay la rumeysan yahay in uu ahaa qidadii ka dambeysay dilkaas, isla markaana uu bixiyay macluumaad, waxaana uu tilmaamay in maalmaha soo socda la soo bandhigi doono.

Mr Colaad ayaan sheegin magaca ninkan, hase ahaatee waxaa uu xusay inay rajeynayaan in dhowaan shacabka looWasiir-ku-xigenka soo bandhigo.

Saddexdii bishan ayay aheyd markii Hindiya Xaaji gaarigeeda loogu xiray waxyaabaha qarxa, waxaana ay u geeriyootay dhaawac ka so gaaray qarax ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, markii ay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha.

Allaha u naxariistee Wariye Hindiya ayaa ifka kaga tagtay 5 caruur, waxaana labo ka mid ah u dhashay Wariye Liibaan Cali Nuur oo isna u shaqeynayay Warbaahinta dowladda, kaasoo la dilay sanadkii 2012.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!