Wasiir ku xigeenkii qorsheynta ee maamulka Somaliland oo xilkii iska casilay

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

Hargeysa: HN:- Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Cabdikariim Axmed mooge oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Somaliland ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay  in uu u madax banaanaado olole uu sheegay inuu ku doonayo la dagaalanka qabyaalada .

Ma bixin wasiir ku xigeenka is casilay faahfaahin intaas ka dheer.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka soo jeeda qoys caan ka ah bulshada Soomaalida  iyadoo aabihii iyo adeerkii ay ahaayeen fanaaniin.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!