Wasiirkii labaad ee ka tirsanaa xukuumada Soomaaliland oo is casillay

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Hargeysa : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in wasiirkii labaad uu iska casillay xukuumada Soomaaliland.

Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Tima-cade) ayaa maanta ku dhawaaqay is casilaada wasaarradii uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Siilaayo ee wasiirka warshadaha.

Wararka ayaa sheegaya in iscasilaadiisu ay la xiriirto khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye iyadooabiib1 haatan khilaafkkasii uu sii xoogeystay kadib isku-shaandhayntii dhawaan lagu sameeyey xukuumadda.

Warar kale ayaa sheegaya in is casilaada Abiib Tima-cade ay salka ku hayso khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo kaasoo ah sii daynta wiil uu dhalay iyo mid kale oo maxkamaddu ku riday xukun shan sano ah, kaasoo dhowr bilod ka hor ka dhamaaday xukunka lagu ridey hase yeeshee Xukuumaddu diiday inay sii dayso.

Abiib Diiriye Nuur ayaa lagu waramayaa in uu dhawrkii bilood ee u danbeeyey ku dacwoonayey maadaama xukunkii ka dhamaaday in la sii daayo hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo ka diiday isagoo ku dooday in gobolka awdal aanay ogolayn sii dayntooda.

Xukuumadda ayaa Wasiir Abiib Timacade u xirtay kiiskan isagoo wakhtigaas ahaa Lataliyaha Siyaasadda ee madaxweyne Siilaanyo, hase yeeshee markii danbe waa la sii daayey.

Abiib ayaa soo noqday Wasiirkii Warfafinta Maamulka Soomaaliland iyadoo lagu tiriyo  Saaxiibada u dhaw Madaxweynaha Soomalilad Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Saddex maalmood kahor ayaa waxaa iska casilay xilka Wasiirka Waxbarashada Cabdcasiis Samaale oo laga qaaday xilka Wasiirka Maaliyada maamulka Somaliland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!