Wasiir Mustafe Dhuxuloow oo ka dhoofay Muqdisho kaddib amarkii xeer ilaaliyaha Qaranka

by admin | Sunday, Dec 7, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumadii kalsoonida lagala noqday Mustaf Dhuxulow ayaa maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta xilli ay xeer ilaaliyaha qaranka iyo Hantidhowrka guud ay soo saareen wareegto mamnuucaysa in wasiirada dowladii kalsonida weysay aysan dalka ka bixi karin amar la’aan.

Wasiirrka ayaa ka dhoofay garoonka waxaa la sheegay in uu safarkiisa yahay arrimo gaar ah, xili kalsooni kala noqoshadii xukuumada uu ka tirsanaa aysan ka soo wareegin xitaa 24 saac.

Mustafe Dhuxuloow ayaa ka mid ahaa wasiiradii sida cad u taageerayay ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh waqtigii uu socday khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.

Wareegto ay si wadajir ah u soo saareen xeer ilaaliyaha qaranka iyo hantidhowrka qaranka ayaa u muuqata mid aan dhaqan gelinOLYMPUS DIGITAL CAMERA maadaama mid kamid ah sii hayaasha wasaaradaha uu ka dhoofay maanta magaalada Muqdisho.

Wasiiro hore ugaga mid ahaa dowladihii hore u soo maray dalka ee la bedelay ayaa weli haysta sida la sheegay hanti kala duwan oo ay ka mid yihiin gawaarida aan rasaasta karin ee la siiyo madaxda sarsare.

Ma jirto illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay xafiisyada xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka qaranka ee la xiriirta dhoofista uu Mustaf Dhuxulow ka dhoofay dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!