Wasiir Odawaa” guddiga dhismaha maamulka gobollada dhexe wuu shaqeynayaa

by admin | Sunday, May 3, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeeray xubno ka tirsan saxiixayaashii hishiiskii dhismaha maamulka gobollada dhexe, kuwaa oo sheegay in ay kala direen islamarkaana kalsoonidii kala nodeen guddigii dhismaha maamulka gobollada dhexe.

“Howsha Maamul dhisida Mudug iyo Galgaduud meel wanaagsan ayay mareysaa, dad dano siyaasadeed ka leh in howsha loo afduuboodawaaaaa-640x480 iyaga aragtidooda ayaa wararkaas ka soo yeeray, Guddiga farsamada wuxuu soo dhisnaa sideed bilood, wuxuu ka yimid oo uu ku matalaa qabaa’ilka dhulkaas, waxaa qofna laga yeeleyno dano siyaasadeed oo goon ah, iyo in Guddigii waa kala dirnay dhahaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa caddeeyay in howsha Wasaaradda ay tahay fududeyn, isla markaana Guddiga farsamada ay yihiin Guddi madax banaan, waxaana uu xusay in kaalinta dowladda ay tahay mid dhex dhexaad ah sida uu yiri.

Cabdi Qeybdiid oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ayaa Cadaado ka sheegay in la kala dirray guddigii dhismaha maamulka gobollada dhexe, kaddib markii ay shaqadoodii ka waceedeen, islamarkaana sidda uu hadalka u dhigay la magacaabay guddi cusub.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!