Wasiir Odawaa oo ka hadlay ujeedada socdaalkooda Beledweyne

by wadani | Tuesday, Dec 22, 2015

Beledweyne : HN :–Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in dowladda Federaalka ku howlan tahay dhameystirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado in 90-cisho gudahood lagu dhiso.

Wasiir Odawaa oo ka mid ah wafdi uu hogaaminayo MadaxweynahaWasiir_Odawaa_Cadaado_GG_Somalia oo ku sugan magaalada Beledweyn ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay kala shaqeeyaan, sidii maamulkaas dhidibada loogu aasi lahaa.

“Dowladda diyaar waxay u tahay sidii loo xoojin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaa ka codsanayaa shacabka labada gobol inay nagala shaqeeyaan dhismaha maamulkaas iyo inay isku diyaariyaan sidii Madaxweyne ay u dhan yihiin u dooran lahaayeen”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadaalada la wado ay qeyb ka tahay sidii shacabka labada gobol dib u heshiisiin looga dhex sameyn lahaa, isagoo ugu baaqay odayaasha, nabadoonada iyo waxgarad inay door ka qaataan dib u heshiisiinta.

Ugu danbeyniit, wareegtada ka soo baxday madaxweynaha ayaa dhowaan waxaa lagu shaaciyay in magaalada Jowhar ay marti gelineyso madasha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, halka caasimada maamulkaas ay noqoneyso magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!