Wasiir Samaale” Madaxweyne Siilaanyo igalama uusan tashan xilka uu ii magacaabay….

by admin | Sunday, Mar 1, 2015

Hargeysa : HN :– Wasiirrkii hore ee wasaarrada maaliyada Soomaaliland oo isku-shaandheyntii uu sameeyay madaxweyne Siilaanyo loo magacaabay in uu noqdo wasiirrka waxgarada iyo tacliinta sare ayaa sheegay in uusan diyaar u aheyn xiligan qabashada xilka lagu magacaabay ee wasaarrada waxbarashada.

“Madaxweynuhu igalama tashan xilka uu ii magacaabay ee ah wasiirka waxbarashada & tacliinta sare ee Somaliland, haddaba waxaan caddeynayaa inaanan diyaar u ahayn qabashada xilkaas,” ayuu yiri Samaale.

Sidoo kale, wasiirkan xilka diiday ayaa sheegay in horay u soo hayay xilka wasaaradda maaliyadda oo ah xil culus, isla markaana uuWasiirka-Maaliyadda haatan go’aan ku gaaray inuu shaqada ka nasto.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa wareegto uu habeen hore soo saaray ku shaaciyay isku-shaandeyn uu ku sameeyay xukuumaddiisa, sida wasiirrada, wasiir-ku-xigeennada, taliyeyaasha iyo agaasimayaasha.

C/casiis Samaale ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo si cad u diida xil uu u magacaabay madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, isagoo ka mid ah xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, isku-shaandheyntan ayaa kusoo beegantay, iyadoo bisha June ee sannadkan uu xilliga shaqo ugu eg-yahay xukuumadda uu hoggaaminayo Siilaanyo, isla markaana la filayo inay doorasho dhacdo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!