Wasiir sheegay in ganacsiga dalka K/africa la wareegeen dadka ajabiga ah ee dalkaas ku nool

by admin | Sunday, Nov 15, 2015

K/Africa : HN :–Ninka ah wasiirka madaxtooyada dalka Koonfurta Afrika, Jeffrey Thamsanga Radebe, ahna guddoomiyaha guddi wasiirro ah oo madaxweyne, Jacob Zuma uu bishii Abriil ee sannadkan u magacaabay inay dib u eegis ku sameeyaan howlaha socdaalka iyo tacadiyada loo gaysto ajaanibta ku dhaqan dalkaas ayaa sheegay in Koonfur Afrika aysan ahayn dhammaantood dad ajaanibta neceb.Wasiirka_Madaxtooyada_SA_Jeff_Radebe_660

Wasiirka ayaa hadalka ku sheegay warbixin uu siinayay guddi ka kooban 25-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka waddanka Koonfur Afrika kuwaasoo loo saaray inay baaritaan ku sameyaan dilalka, dhaca iyo boobka loo geysto ajaanibta ku leh ganacsiyada tulooyinka isku-raranta ah ee ku yaalla gobollada South Afrika.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in ajaanibta ay sabab u yihiin kuwa lug ku leh dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo; isagoo sheegay in ajaanibtu ay la wareegeen 70% ilaha dhaqaalaha waddanka Koonfur Afrika, gaar ahaan tuulooyinka isku-raranka ah ee ku yaalla meelaha ka baxsan magaalooyinka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku eedeeyay ganacsatada ajaanibta ah inay yihiin dad aan u hog-gaansamayn shuruucda dalka, canshuurahana aanay bixin, wuxuuna tusaale u soo qaatay, xaafadda Ivory Park-Tembisa oo uu xusay in ganacsiyada ku yaalla ay 70 ka mid ah ay u furan yihiin dadka dalka u dhashay, halka 147-da kalena ay u furan yihiin ajaanibta.

Dhanka kale, wuxuu sheegay wasiirku in in xaafadda Imzamo Yethu-Hout Bay ee gobolka Wetern-cape: 58 ganacsi ay u furan yihiin ajaanibita. sidoo kalena. Vrygrond, Cape Town ay iyadana ganacsiyada 86-ka mid ah ay leeyihiin ajaanibta, halka 44-ka kale ay leeyihiin Koonfur Afrikaanka, taasoo uu sheegay inay marqaati u tahay in ajaanibta ay aad ugu xooggan yihiin ganacsiga Koonfur Afrika.

Xaafadda Delft ee magalada Cape-town ee gobolka Western Cape ayaa noqotay xaafadda kaliya ee ganacsatada u dhashay waddanka Konfur Afrika iyo ajaanibta ay ka siman yihiin tirada ganacsiga, 89ka mid ah gooobaha ganacsi Konfur Afrikaanka ayaa leh, halka 90-ka kalena ay leeyihiin ajaanibta, sida uu sheegay Jeffrey.

Ugu dambeyn, wasiirka madaxtooyada dalka Koonfur Afrika ayaa guddiga baarlamaanka dalkaas u sheegay inay xiri doonaan ganacsi walba oo shuruucda dowladaha hoose aan u hoggaansamin, xukuumadda iyo guddiga uu madaxda ka yahayna ay dhib u eegi doonaan nidaamka socdaalka ee waddanka, si loo yareeyo khillafaadka u dhexeeya muwaadiniinta iyo dadka ajaanibta ah ee ku nool ku dalka Konfur Afrika.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!