Wasiir xilkiisii ku waayay Kiiska Qalbi Dhagax

by wadani | Wednesday, Sep 13, 2017

Garoowe : HN :-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cadixakiin Xaaji Cabdullahi, wuxuu goor dhow xilkii ka qaaday wasiiru dowlihii
madaxtooyada iyo xiriirka gobollada Puntland,Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday madaxtooyadda.

Xilka qaadista, waxaa sabab looga dhigay mas’uuliyad darro uu ku cay wasiiru dowlaha,laakin sida la fahansan-yahay xilka qaadista waxa ugu weyn ee sabab looga dhigi karo waxay tahay wareysi uu bixiyay wasiiru dowlaha oo marka soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda federaalka ugu dhiibtay Itoobiya,Cabdikariin Qalbidhagax oo saraakiisha ONLF ka tirsanaa.

Wasiiru dowladaha wuxuu go’aanka taageerray,iyadoo dowladda aysan soo bandhigin mowqifkeedda.

Hoos ka akhriso wareegtada wasiiru dowlaha xilka looga qaaday

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xeer Lr-19  September 13 2017, xilka kaga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Arkay:                  Habdhaqan lidka ku ah Hannaanka Dawladnimo.

Markuu Garawsaday:     Mas’uuliyad darrada uu ku kacay.

 

Wuxuu  Xeeriyey:

  1. Wuxuu xilkii ka qaaday Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Gobolada         Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan.
  2. Xeerkani Wuxuu dhaqan-gelayaa Markuu Madaxweyne Ku-xigeenka                     Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweyne Ku-xigeenku.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!