Wasiirka A dibada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka looga hadllayo burcad badeeda

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Dubai :HN:– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo.

Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeeda oo Wasiiro , Madax iyo saraakiil ciidan oo kala jinsado duwan ay ka qeybgaleen, ugana wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa fal xanuun badan oo murugo leh ku tilmaamay afduubka maraakiibta iyo dadka rayidka ah , isagoo ka dalbaday wadamada ku bahoobay la dagaalanka burcad badeeda inay taageeraan howlaha dib loogu dhisayo ciidan xoog badan oo qalabeysan oo ka howlgala xeebta iyo xuduud badeeda Soomaaliya si loo afjaro falalkaasi bani’aadanimada ka baxsan.

Dhanka kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa gelinkii dambe ee shalay kulamo kala gaar gaar ah kula= yeeshay Mgaalada Dubai ee dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta Wasiiro iyo Mas’uuliyiin heerarkoodu kala duwan yahay.

Dr. Abdirahman Beileh waxa uu si gaar gaar ah ula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Mauritania Ahmed Ould Teguedi , Yemen H.E. Jamal Abdullah Al Sallal , BruneiH.R.H Mohamed Bolkiah ,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Gaadiidka Seychelles H.E. Joel Morgan , agaasimaha Xiriirka dhinacyada badan leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga ambassador Turki bin Mohamed bin Saud Al kabeer , gudoomiyaha Shirkadda dekadaha caalamiga ee Dubai ( DP World) Mr. Sultan Ahmed bin Sulayem iyo mas’uuliyiin kale .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kala hadlay wasiiradaasi iyo mas’uuliyiintaasi kala duwan ee uu la kulmay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya kala dhaxeeya ,horumarinta danaha wadaagga ah iyo taageeridda qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo deganaanshaha dalka .

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!