Wasiirka ammniga” Al-shabaab malaha awood ay xiligan ku biiriyaan kooxda Daacish

by admin | Sunday, Oct 18, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka wasaarrada ammniga Qaranka xukumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo maanta ka hadlayay kulan lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab aysan xilligaan awood u lahay inay ku biiraan kooxda Daacish.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan xilligan lahayn awood iyo niyad isla markaana aysan suuro-gal u ahayn inay ku biiraan kooxda khilaafada Islaamka ee ka dagaalla dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

“Al-shabaab awooddii ay lahaan jirtay way wiiqantay sida aad u jeeddaan, waxaa haray wax yar oo dadka shacabka ah ku dhex-dhuunmanaya; iyagana waa la soo af-jarayaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

WASIIR_CABDIRISAAQ_AMNICiidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa sannado badan dagaallo kula jiray Al-shabaab, iyadoo kooxdu ay isku dayaysay muddo sanooyin ah inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee caalamku taageersan yahay.

Dhanka kale, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab uu ka dhex-jiro khilaafeen ka dhashay inay kooxda Daacish ku biiraan iyo inay kasii mid ahaadaan ururka Al-qaacida.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan deegaannada ay gacanta ku hayso ku xi-rxirtay xoogag ka tirsan oo ay ku eedeysay inay u ololeynayaan inay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee Daacish.

Ugu dabmeyn, kooxaha Boka Xaram iyo Daacish ayaa dhowr jeer oo horae ugu baaqay Al-shabaab inay ku biiraan khilaafada islaamiga ah, inkastoo Al-shabaab ay ka biyo-diidsan tahay inay ku biirto kooxdan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!