Wasiirka ammniga” darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka waxba ammniga kama tarayo

by admin | Wednesday, Jun 3, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka wasaarrada ammniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay darbiga ay Kenya wado inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada ay Al-Shabaab.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin dal ku soo xadgudbi kara xuduuda Soomaaliya, balse waxaa uu tilmamay in darbiga ay Kenya dhiseyso uu dhibaato abuuri karo.

Waxaa uu ka dalbaday dowladda Kenya in ay ka laabato go’aanka ay darbiga uga dhiseyso Xadka, waxaana uu xusay in haddii aywasiirkaKhayraadka dhacdo arrintaas ay fursad siineyso Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxay aaminsan tahay in wadan deris nala ah in uusan ku soo xadgudbi karin xuduuda Soomaaliya, hal taako uma ogolaaneyno”ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa yiri “Arrinta ku saabsan dhisida darbiga ay dowladda Kenya ka dhisi rabto xuduuda, waxaan aaminsanahay in aysan waxba ka tari doonin sugida Amniga”

“Darbiga Kenya ay dhiseyso wuxuu abuuri karaa dhibaato, mana ahan wado ama tallaabo sax ah oo looga hortagi karo weerarada Al-Shabaab”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu dhawaaqday inay darbi dheer ka dhiseyo xuduuda, iyadoo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab maalmihii u dambeeyay gudaha u galeen Tuulooyin iyo deegaano hoos taga Mandera iyo Gaarisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!