Wasiirka ammniga” haweeneydii is qarxisay waxaa ay laheyd lix caruur ah

by admin | Sunday, Feb 22, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa markii ugu sheegay in qof haweeney ah ay ka mid ahayd dadkii fuliyay weerarka is-miidaaminta ahaa ee Jimcihii aynu soo dhaafnay lala beegsaday Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Mudane C /risaaq Cumar ayaa wareysi uu VOA-da siiyay ku sheegay inay ka mid ahayd haweeneydu shaqaalaha Hoteelka Central ayna is-qarxisay markii uu dhacay qaraxii hore oo uu fuliyay qof rag ah, isagoo intaas ku daray inay ahayd hooyo dhashay lix carruur ah.

“Qaraxyadan waxay dhaliyeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna ku dhaceen habacsanaanta dhanka ilaaladiiwasiirkaKhayraadka hoteelka ah. Gabadha is-qarxisayna qaybta soo dhaweynta hoteelka ayay ka shaqeynaysay wayna is-qarxisay,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda Somalia.

Mar wasiirka la weydiiyay in haweeneyda ay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub ayuu ku gaabsaday in xogta ay hayaan ay sheegayso inay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub, balse uusan doonayn in uu carrabka ku dhufto, sababo la xiriira baaritaannada arrintan oo weli socda.

“Haweeneydan waxaan maqalnay inay Yurub ka timid, ninkeediina uu Xamar ku dhintay, sababo uu u dhintayse aysan ogeyn, waxayna lahayd lix carruur ah oo labo-labo mataano u ahaa. Weligeed hoteelka ma seexan, balse waxay seexatay markii ugu horeysay maalintii qaraxyadu dhacayeen habeenkeedii,” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay xog ku heleen in laba casho ka hor maalintii uu qaraxu dhacay ay lixdii carruurta ahaa ay hooyadeed u dirtay, balse aysan garanayn meesha ay hooyadu deggen tahay.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay inuu jiro qof sadexaad oo weerarradan ku lug lahaa, ayuu ku jawaabay wasiirku inaysan taas ogeyn, balse ay og yihiin oo keliya in labadaan ruux ee qaraxyada sameeyay ay ahaayeen dadkii fuliyay weerarradan.

Wasiirka ayaa gunaanadkii hadalkiisa ku sheegay in cid walba oo labadaan ruux gacan ku siisay falkaanna ay baaritaannadu caddeyn doonaan, sidoo kalena wuxuu sheegay in xitaa dadkii ay xiriirka la lahayd gabadha ay gacanta ku hayaan oo ay baaris ku socoto, markii baaristu dhamaantana ay warbixin waafi ah bixin doonaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!