Wasiirka ammniga oo faah faahin ka bixiyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa ka hadlay qaraxii xalay ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama, isagoo amaanay sida ay ciidamada dowladda uga hortageen qaraxaas.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in afar ruux oo ka tirsan kooxihii doonayay in ay weerarkaas fuliyaan gacanta lagu dhigay, isla markaana la fashiliyay weerarkii ay damacsanaayeen.

“Ciidamada booliiska iyo kuwa nabdsugidda waxay si geesinimo leh uga hortageen qaraxa oo ahaa mid la doonayay in xalay la fuliyo,2015312635617281948015015Cabdirisaaq Cumar Maxamed waxaa lasoo qabtay afartii ruux ee ka tirsanaa Al-shabaabka ee gaariga qarxay watay,” ayuu yiri wasiirka amniga.

Wasiirka amniga gudaha ayaa amaanay sida shacabka ay gacan ugu siiyeen ciidamada amniga, taasoo sahashay sida uu sheegay in qaraxa laga hortago, isagoo xusay in wada-shaqeyntan oo sii socota ay gacan weyn ka geysanayso sugidda amniga dalka.

Fiidnimadii xalay ayay ahayd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay dhabarka dambe ee hoteelka maka Al-Mukarama, iyadoo uu qaraxaas dhaawac kasoo gaaray mid ka mid ah kooxhihii doonayay in ay fuliyaan qaraxa.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa inta badan xalay laga maqlay magaalada degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana goobta uu ka dhacay markiiba gaaray ciidammada dowladda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!