Wasiirka ammniga oo ka hadlay xaalada magaalada Beledweyne iyo guddi arrintan loo saaray

by admin | Monday, Nov 16, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inuu guddi gaar ah u saaray baarista dilkii loogu geystay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan maalin ka hor sarkaal ka tirsan hay’ada UNMASS, dilkaasoo dhaliyay xiisad.

Wasiirka ayaa sheegay in guddi ka kooban toddoba xubnood loo dirayo magaalada Beledweyn, si ay u billaabaan baaris la xiriirta dilka sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xuseen.

“Waxaa kiiskan arrinta ku saabsan loo hayaa labo ruux, waxaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dilkaas oo ka kooban toddobawasiirkaKhayraadka ruux, kuwaasoo isugu jira nabad-sugid, booliis iyo labo ku-xigeen oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta Qaranka,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Somalia.

Wasiirka ammniga ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Beledweyne in ay dajiyaan xiisadda, isla markaana xal laga gaaro khliaaf walba oo jira, isgaoo xusay in madaxweynaha iyo isaga ay xiriir la sameeeen oday-dhaqmaeedka magaaladaas ayna kala hadleen sidii xal waara loo gaari lahaa wixii khlaaf ah ee jira.

Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa shalay ka jirtay xiisad ka dhalatay dilka mas’uulkan, taasoo sababtay in isku socodka gaadiidka iyo shacabka ay shalay xayiraadi lasoo gudboonaato.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay dilka sarkaalkan u shaqeynayay QM, balse wuu iska fogeeyay eedeyntaas.

Ugu dambeyn, waxgaradka magaalada Baldweyne ayaa dadaal weyn u gashay sidii loo dajin lahaa xiisadda; iyagoo wada hadallo la sameynayay labada dhinac, waxaana arrintan ay qal-qal gelisay amniga Baladweyne.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!