Wasiirka ammniga oo la wareegay gadiid loogu deeqay ciidammada booliiska Soomaaliyeed

by admin | Thursday, Jun 11, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejisay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Soomaaliya Gaadiid ciidan, booyadaha biyaha qaada iyo qalab kale oo loogu tala galay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiidkan oo ah kuwa gaashaaman ayaa waxaa loogu tala galay in lagu xoojiyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay gaadiidkaas.

Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo gaadiidka-1galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.

Jen Max’ed Sheekh Xassan Xaamud oo ah taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed sheegay in qalabkan lagu xoojinayo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay Dowladda Imaaraadka agabkan ay ugu deeqday Ciidamada Booliska.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya, isla markaana Walaalaha imaaraadka Carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Dhowaan ayay aheyd markii Imaaraadka Carabta ay ku wareejisay Maamulka Jubba gaadiid gaashaaman iyo gaadiid kale, waxaana deeqdaas ay aheyd tii u horeysay oo dhinaca milateriga ah oo ay Imaaraadka siiyaan Maamulkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!