Wasiirka ammniga oo safaarada Iiraan ee Soomaaliya ku wareejiyay muwaadiniin Iiraaniyiin ah

by admin | Sunday, Nov 8, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Safaaradda Iiraan ay ku leedahay magaalada Muqdisho ku wareejiyay muwaadiniin u dhashay Iiraan, kuwaasoo dhowaan laga soo furtay kooxo burcad badeed ah oo afduub u heystay muddo.

Muwaadiniintan u dhashay Iiraan oo ahaa afar ruux ayaa todobaadkii hore waxaa soo bad baadiyay Ciidamada ammaanka Galmudug, kadib howl gal gaar ahaa oo ay ka sameeyeen guri ku yaal degmada Cadaado oo lagu heystay.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta Safaaradda Iiraan ee Muqdisho ku wareejiyeen afarta nin, kuwaasoo shalay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii laga soo duuliyay degmada Cadaado.

Wasiirka_Amniga_Gudaha_Somalia“Waxaa nala joogo rag ilaa iyo afar ah oo dhawaan laga soo bad baadiyay burcad badeed muddo ku heystay, runtii aad ayaan uga mahad-celineynaa ciidankii soo bad baadiyay, qaar kale ayaa jirta oo iyaga lagu raad-joogo, runtii halkan waxaa nala joogo mas’uuliyiin ka tirsan Safaarada Iiraan ee Soomaaliya oo aan dooneyno in ku wareejino, si loogu dhoofiyo dalkooda hooyo” ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

Ugu danbeyntii horaantii sanadkan ayaa muwaadiniinta u dhalatay dalka Iiraan laga afduubtay xeebaha dalka waxaana dhawaan soo badbaadiyay ciidanka amniga ee Galmudug, kuwaasi oo ku wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!