Wasiirka ammniga oo xalay si kadis ah u booqday saldhiyo ku yaalla Muqdisho

by admin | Tuesday, May 5, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka wasaarrada ammniga gudaha  C/risaaq Cumar Maxamed  ayaa xalay si kadis ah ku booqday saldhiyo ku yaalla qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo u kuur-galayay sidda ay u socdaan howlaha sugida ammniga.

Wasiirka Amniga ayaa kormeer ku tagay afar saldhig boolis oo ku yaala degmooyinka Shingaani, C/casiis, Waabari iyo Hodan, isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha Amniga iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha saldhigyada booliska.

“Waxaan kormeer kadis ah ku tagna saldhigyada booliska degmooyinka qaar, waxaa kormeereyneyna shaqada heeganka ee ay kuwasiirkaKhayraadka jiraan, intii aan soo aragnay howshooda sida loogu galaya u socdaan, kuwa qaar oo habacsanaan ku jira ayaa soo aragnay”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan Saldhigyada booliska ee aan howshooda gudan, isla markaana ay ku arkaan habacsanaan, waxaana uu xusay inay sii wadayaan kormeerada saldhigyada

“Muhiimada waa Amniga magaalada oo wanaagsan, si aan ogaano howsha socota ayaa waxa rabnaa in saldhig walba inuu mas’uul ka yahay degmada uu ku yaal, wixii qaldan waa saxeynaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Xilliyada habeenkii ayaa waxaa magaalada Muqdisho howl gallo roondeyn si wada jir ah uga sameeya Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Booliska AMISOM, kuwaasoo lagu arko wadooyinka qaar ee magaalada iyo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!