Wasiirka ammniga oo xariga ka jaray xurun lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadka Al-shabaab

by admin | Monday, Jun 15, 2015

Muqdisho : HN :–Xukuumada Soomaaliya ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga hirgalisay xarun loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo dhallinyarada kasoo goosanaysa Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Munaasabadda xariga looga jarayay xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, taliyaha nabad sugidda, culimaa’udiin iyo xubno kale, waxaana loogu talagalay hanuuninta dadka xagjirka ah.

Madaxa xarunta dhaqan celinta Cabdiraxmaan Sahal ayaa sheegay in xarunta ay xoogga saari doonto sidii fikirka qaldan ee lagu WASIIR_CABDIRISAAQ_AMNIshubay looga baabi’in lahaa dhallinyarada la qalday.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada ay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Tuur-yare ayaa xusay in xarunta ay noqon doonto goobta lagu dhaqan celiyo dhallinyarada la qalday.

Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo Diinta Macalin Cali Aadan ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta xaruntan, Wasaaraduna ay qorsheyneyso sidii ay arrintan ay key taageeri lahayd.

Wasiirka Amniga gudaha  Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wanaagsan loola shaqeeyo dadka xarunta gacanta ku haya, isagoo xusay inay tahay meesha kaliya ee laga hagi karo dadka lagu marin habaabiyay fikirka qaldan ee ay Shabaabku aaminsanyihiin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!