Wasiirka ammniga oo xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaas

by admin | Saturday, Feb 14, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Maxamed Cumar ayaa wuxuu isna xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda, Khaliif Axmed Ereg, kaddib xaflad ka dhacday xarunta wasaaraddu ay ku shaqeyso.

Ereg ayaa tilmaamay in wax badan ay u qabsoomeen wasaaradda muddadii uu xilka hayay, isagoo maamulka iyo shaqaalaha u mahad-celiyay201521463559494469327546810911381_838268772910820_3795714644343715798_o-1024x576, isagoo ka codsaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan wasiirka cusub.

Dhanka kale, wasiirka cusub C/risaaq Maxamed ayaa isagana wasiirkii hore ee xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay inay horay u sii wadi doonaan shaqooyinkii socday, iyadoo loo howl-gali doono sida uu sheegay adkeynta amniga guud ee Somalia.

Xaflada xilal wareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay shaqaalaha wasaaradaha iyo sidoo kale, guddiga uu ra’iisul wasaaraha Somalia u saaray xilalka ay la kala wareegayaan wasiirrada cusub iyo kuwii hore.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!