Wasiirka ammniga Puntland” ma jiro maamul aan aqoonsannahay oo ka jira Koonfurta Gaalkacyo

by wadani | Sunday, Dec 6, 2015

Garoowe : HN :– Wasiirka wasaarrada ammniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qar-Jab) ayaa isaga oo ku sugan magaalada Gaaroowe, sheegay in aysan aqoosaneyn maamulka ka jira sidda uu hadalka u dhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, isaga oo dhinaca kalana ka hadlay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Galmudug yihiin maamul loo sameeyay in lagu dhibaateeyo deegaannada Puntland, waxaana uu intaa ku darray in markii horeba sharci darro lagu dhisay maamulkaas, siddaa daraadeed aysan dhinacooda marnaba aqoonsan doonin.

”Annaga ma aqoonsanin maamul Galmudug lagu magaacaabo oo ka jira Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waayo waxQarjab kasta oo Xaaraan lagu dhiso waa ay ku dhamaanayaan Xaaraan, nabad ayaa la qaatay ayaa la leeyahay, ma’aha nabad leysku xukumo, ma’aha nabad madax leh, ma’aha nabad meel kaliya talladeedu ka go’do, waa nabad riyo ah, siddaa daaraadeed Puntland wey is difaaci doontaa ilaa marka u danbeysa” ayuu yiri wasiirka ammniga.

Maamulka Galmudug ayuu ku sheegay in uu yahay mid aan meelna sharciga iyo dastuurka dalka aan ka waafaqsaneyn, oo xitaa laga diidan yahay sidda uu hadalka u dhigay gobolka Galguduud.

”Kooxda uu hogaaminayo C/kariin Xusseen Guulleed xitaa lagama ogola Galguduud, siddaa daraadeed uma dul-qaadan doonno in Puntland oo xaafadaheeda hormar ka sameyneysa la carqaladeeyo oo leysku dayo in is hortaag lagu sameeyo” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili maalintii shalay kulamo kala duwan magaalada Gaalkacyo ku yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, iyo C/kariin Xusseen Guulleed, kuwaa oo ka wadda hadlay siddii looga shaqeyn lahaa nabada Gaalkacyo.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!