Wasiirka ammniga Qaranka oo kormeeray ciidammo howlgal ku jiray

by admin | Wednesday, Feb 18, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka wasaaradda amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa maanta howlo kormeer ah ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada magaalada Muqdisho oo ay ka socdeen howllgallo lagu sugayo ammaanka.

Afhayeenka wasaaradda amniga qaranka Max’ed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wasiirku uu soowasiirkaKhayraadka kormeeray ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan hay’adda nabadsugidda oo lagu magacaamo Onkod, kuwaasoo ka shaqeynayay xoojinta ammaanka.

Maxamed Yusuf ayaa tilmaamay in ciidanku ay baarayaan gaadiidka hubeysan ee ay wataan masuuliyiinta iyo kuwa kale ee u shar-ciyeysan dadka, si loo xaqiijiyo amaanka magaalada.

Waxuu xusay in ciidammada dowladda ay diyaar u yihiin ka hortagidda dhibaatooyinka lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah, isagoo xusay inay sii wadi doonaan howgallada lagu sugayo amniga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!