Wasiirka ammniga” qaraxii shalay waxaan u xirnay qaar ka mid ah shaqaallaha hotelka

by admin | Saturday, Feb 21, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirka wasaarrada ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Max’ed ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxii shalay dhacay u soo xireen dad la tuhusan yahay oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiintii iyo shaqaallihii hotelka uu qaraxa ka dhacay kuwaa oo su’aalo laga weydiinayo sidda uu hadalka u dhigay waxa ay kala socdeen weerarka.

“Qaraxyadii Hotel Central waxaa loo qabtay 12-qof, labo ka mid ah waxay ka mid yihiin mas’uuliyiinta hoteelka, tobanka kalena waxay isugu jiraan ilaalo iyo shaqaalihii hoteelka, waxaa rumeysanahay inay fududeeyeen weerarka iyo gaarigii gudaha hotelka ku qarxay, wali baaritaanno ayaa socda,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha.

Wasiirrka ayaa ugu baaqay milkiilayaasha leh hoteellada ku yaalla Muqdisho inay mas’uuliyadi ka saaran tahay sugidda amnigaKu-simaha Ra'iisul Wasaaraha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar shaqsiyaadka iyo mas’uuliyiinta deggen hoteelladooda.

Gaariga miineysan ee ku qarxay hoteelka ayaa la sheegay in lagu diyaariyay gudaha hoteelka, lana dhigay masaajidkii ay ku tukanayeen mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda iyo dad-weyne kale.

Weerarka labaad oo isna qarax ahaa ayaa waxaa fuliyay qof miineysan oo loo maleynayo in ay haweeney ahayd, iyadoo dowladduna ay u magacowday guddi baaritaanno ku sameynaya weerarkaas.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa waxay dhaawacyo kasoo gaareen ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Somalia, Maxamed Cumar Carte, wasiirro iyo xildhihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!