Wasiirka ammniga ” qof kasta oo xiriir la leh Al-shabaab tallaabo adag ayaa laga qaadayaa

by admin | Wednesday, Oct 29, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo xiriir la leh Al-Shabaab, isagoo ku dhawaaqay in laamaha ammaanka ay qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee falalka amni dari ka geysta Caasimada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in cidii lagu helo Maxkamad la horkeeni doono.

“Markii aan ka hortagnay waxyaabo badan oo amniga qal qal ku ahaa, waxay hada rabaan inay Hubka ka soo dejiyaan Dekeda, waana kaereg hortageyno, waxaa go’aan ka qaadan doonaa cid walba oo ku lug yeelata arrintaan”ayuu yiri Khaliif Ereg.

Wasiirrka ayaa intaa ku darray in guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya ay u magacaabeen waxyaabihii laga soo dejiyay Dekeda Muqdisho ee isugu jiray qalab milateri iyo waxyaabaha qarxa, kaasoo shalay ay Ciidamada ammaanka 

“Guddi baaris ayaan u saarnay konteenarkii shalay dekedda Muqdisho lagu qabtay, waana ku raad-joognaa ciddii gacanta ka geysatay, qaarkood waan haynaa kuwa kalena waa lasoo qaban doonaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Shalay ayay aheyd markii konteenar ay ka buuxeen dharka ciidamada, kabo, midiyo iyo waxyaabaha qarxa lagu qabtay Dekeda Muqdisho, iyadoo markab sidan alaabtan uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed, kaasoo ka yimid dalka Shiinaha.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!