Wasiirka ammniga” siyaasad cad iyo qorshe ayeeynu u dajineynaa ammniga Muqdisho

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada ammniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max’ed. ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay beegsanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, isaga oo intaa ku darray in wasaaaradiisu siyaasad cad iyo qorshe gaar ah u dajineyso ammniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Hadalkan ayuu ka sheegay wasiirrka mar uu booqday hotelka Maka Al-Mukarama oo dhawaan weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab.

”Uma suurtagali doonto kooxaha nabad-diidka ah in ay sidda oo kale u bartilmaameedsadaan dadka shacabka, waxaa socda qorshewasiir-hotel-4 wasaarradu ku dajisay siddii looga hortagi lahaa falalka arxandarrada ah oo ay ku kooxdu ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah” ayuu yiri wasiirrka.

Wasaarrada ammniga ayaa marka la eego la oran karaa waa wasaarrada xukuumada Soomaaliya guud ahaan si gaar ah isha loogu wadda hayo, madaama ay u taagan tahay ka shaqeynta nabad-galyda guud ahaan dalka.

Wasiir C/risaaq ayaa uga mahad celiyay ciidammada Qaranka, gaar ahaan kuwa nabad-sugida, sidda ugu dhaqsiyaha badan oo ay markiiba u soo afjareen howlgalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!