Wasiirka amniga oo ka qeyb-gallay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidammo dalka Jabuuti

by admin | Thursday, May 21, 2015

Djabtuui : HN :–Xubno ka tirsan gollaha wasiirrada oo uu horkacayay wasiirka ammniga C/risaaq Cumar Max’ed ayaa ka qeyb-gallay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidammo ka tirsan booliiska oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

Waxaa siddoo kale munaasabada ka qeyb-gallay wasiirka cadaallada, Taliyaha Booliska Soomaaliya, Xeer Ilaaliyaha Guud, Wasiirka Gaashandhigga Jabuuti ahna Kusimaha Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti, Taliyaha Ciidanka Carabinieri-ga Dalka Talyaaniga Lit. Gen. Tullio Del Sette iyo madax kale ayaa goobjoog ka ahaa xafladii lagu soo xirayay tababarka Ciidamada booliska Soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti.

Tababarkan ayaa waxaa bixinayay Saraakiil Talyaani ah waxaana loogu dan lahaa kor u qaadista tababarka Ciidamada booliskaboolis-1 Soomaaliya, aqoonta Saraakiisha iyo sida booliska ula dhaqmaan dadka rayidka ah.

Taliyaha booliska Soomaaliyed Jen. Maxamed Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadaas waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti oo gacan ka geystay tababarkan qabsoomidiisa iyo bixinta tababarka.

Jen. Maxamed Sheekh Taliyaha booliska Soomaaliya ayaa u sheegay askartii tababarka dhameysatay inay u adeegan dalkooda uguna adeegan wixii ay ka barteen tababarkan.

Ciidamada Booliska ee loo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan dalka dib ugu soo laabtaan, si ay uga qeyb qaatan howlaha sugida, waxayna noqonayaan ciidamadii u horeeyay ee Boolis loo soo tababaro tan iyo markii Taliyaha cusub ee Booliska Jen. Maxamed Sheekh xilkan loo magacaabay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!