Wasiirka arrimaha dibada Kenya oo ku baaqday in la fasaxo xawaalladaha Soomaalida

by admin | Monday, Mar 9, 2015

Nairobi : HN :– Dawlada Kenya ayaa kahadashay xidhitaanka xawaaldaha soomaalida ee Ay xidheen bangiyada maraykanku kuwaasoo saamayn togan iyo mid tabanba ku yeeshay umada SOOMALIYEED oo ku Tiirsan badi lacagaha yar ee laga soo Diro dalka debadiisa kuwaasoo Ay ku xidhanyihiin nolosha Malayiin kamid ah bulshada SOOMALIYEED , hadaba waxa arintaas ka hadashay wasiirada arimaha debada Kenya marwo aamina maxamed jibriil oo uu wehelinayo afhaayenka wasaarada arimaha debada mudane:Axmed xashi oo horena u ahaan jiray lataliyihii raiisal wasaarihii hore ee wadanka Kenya raila odhinga .

Aamina ayaa ballan qaaday in Kenya aysan marnaba joojin doonin xawaaladaha Soomaalida, iyada oo meesha ka saartay cabsidii horey looga qabay arrintaas.

Waxa ay sheegtey in ay ogtahay in kumanaan qoys oo qaxooti ku ah Kenya ay noloshooda ku tiirsantahay lacago looga soo diro dalalka634x453xunnamed2.jpg.pagespeed.ic.xvCJdSDiR_ dibada sida Yurub iyo Maraykanka.

Hadalkan wasaarada arimaha debada Kenya ayaa yimi kadib marki bangiyo Maraykanku ay xidheen akoono ay lahaayeen xawaaladaha Soomaalida tuhun la xiriira in lacagahaasi ay gaadhaan Alshabaab.

Hadaba isku duuduuboo Wasiirada arimaha debada Kenya marwo aamina maxamed jibriil ayaa noqonaysa masuuliyadii ugu horaysay ee dareenta bulshada SOOMALIYEED ee Ay kasoo jeedo, Hadalkan ayaa culayska sii saaraya bangiyada maraykanka kaasoo debada usoo saaraya in xidhitaanka bangiyadu tahay dhibaato kale oo haleesha bulshada SOOMALIYEED , taasoo latacaalaysa dagaaladii sokeeye ee ku habsaday wadankoodii .

Dawladda Kenya ayaa noqonaysa wadanka koowaad ee saaxiib dhaw la ah bulshada Soomaalida marka la eegoo sida Ay marti gelisay qaxoontiga Somaalida iyo ladagaalanka ururada kadagaalaama SOOMALIYa , markaad fiiriso dhinacyada ayaa Kenya waxay noqonay saaxiib Ay leedahay bulshada soomaalidu kuwaaso ogsoon door ka Dawlada iyo shaacabka Kenya .

Axmed xashi oo ah afhaayenka wasaarada arimaha debada Kenya ayaa isna xusay doorka dahabiga ah ee Kenya Ay ka ciyaartay arimaha Somalida isagoo sheegay in kumanaanka qaxoonti ee xeryooyinka Kenya kujiraa Ay ku Tiirsan yihiin lacagtaa xawaalada wuxuu axmed sii xoojiyay hadalkii wasiirada marwo aamina maxamed jibriil ee sii daynta xawaaladaha isagoo codsi udiray Dawlada maraykanka ah sii daynta xawaalada soomaalida oo xidhitaankoodu keeni Karo dhibaato kabadan tan maanta taagan ee macaluusha iyo gaajada waa siduu hadalka udhigee.

Xawaaladaha Soomaalida ayaa 30sano ee u danbeeyay noqday il kamid ah ilaha Ay soomaalidu ku tiirsan tahay taasoo loosoo mariyo biilasha kuwaasoo laga soo Diro wadamada galbeedka yurub iyo Ameerika.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!