Wasiirka arrimaha gudaha oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 9, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo maalmihii ugu danbeeyay ku maqnaa magaalada Doha ee dalka Qadar ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa ka qayb-galay shir udhaxeeyay madaxda dalka Qatar iyo isaga, waxaana looga hadlaayay kordhinta taageerada Qatar ee dalka Soomaaliya.

Isaga oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho Wasiir Goodax waxa uu sheegay “Waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha ahnaGoodax-Bare Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Qadar oo aan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, tan kale Dowladda Qadar waxa ay gacan ka geysanaysaa dib u dhiska dalka” yuu yiri Goodax Barre.

Wasiir Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Doxa ay taageereyso dhisidda Wadooyin cusub oo dalka laga hirgeliyo iyo dib u dayactirka waddooyinka muhiimka ah sida jidadka Wadnaha, sodonka iyo Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaadyo kala duwan waxa ay ka heshaa dowladaha caalamka, hayeeshe uma fulaan balan qaadyadaasi sidii loogu talo galay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!