Wasiirka arrimaha dibada oo fariin u dirray maamul gobolleedyada dalka

by admin | Saturday, May 30, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland, Puntland, iyo Jubbaland in ay xoojiyaan ka qeyb-galka gurmadka loo fidinayo dadka dib ugu soo laabanaya dalka kana soo cararaya dagaallada ka socda Yemen.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay waqtigaan loo baahanyahay in maamul goboleedyada dalka kajira ay u istaagaan gurmad u fidinta dadka Soomalida ah ee ku soo laabanaya qaybo badan oo ka mhadliyeid ah dalka, kuwaas oo hadda u baahan in la caawiyo.

Wasiir Hadliye waxa uu intaa raaciyay  in ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan dadkaasi Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay maamullada Soomaaliland ,Puntland iyo jubbaland  in si wadaniyadnimo ah dadka ay  u soo dhaweeyaan, gurmadna u fidiyaan maadaama ay yihiin dad dhibanayaal ah,

Dadkaas Soomaaliyeed ee ka soo cararaya dhibaatada ka jirta dalka Yaman ayaa ku soo qul-qulaya magaalooyin ka mid ah dalka si caawinaad ay uga helaan walaalahooda Soomaaliyeed ee wax haysta,iyagoo dadkaas qaarkood loo sameeyay dib u dajin si gurmad joogto ah loogu sameeyo.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!